ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin uu ka mid yahay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, wasiirka cusub ee wasaaradda, wasiirkii hore iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirkii hore ee wasaaradda Xildhibaan. Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi) oo ka hadlay xafladda ayaa ku dheeraaday ka hadalak wax qabadka mudadii uu xafiiska joogay isaga iyo xubnihii kale, waxaana uu u rajeeyay madaxda cusub in horumar ay ka sameyn doonaan howlaha wasaaradda, shaqaalaha ayuuna ka codsaday in ay la shaqeeyaan.

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xildhibaan. Iimaan Cabdulaahi Cali, oo xilka wasaaradda la wareegay ayaa sheegay in uu la imaan doono waxqabad isaga oo kaashanaya madaxda kale ee wasaaradda iyo shaqaalaha.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya mudane Mahdi Axmed Guuleed (Khadar) oo ka geba gabadii ka hadlay xafladda ayaa waxaa uu u mahad celiyay mas’uuliyiintii hore ee wasaaradda howshii ay ka qabteen, waxaana uu hogaanka cusub kula dar daarmay in ay ka soo dhalaalaan howshan loo igmaday.

17821018_717859085052347_639854007_n 17814150_717858301719092_1871874151_n 17793019_717858465052409_843989155_n 17792305_717858535052402_29889834_n 17760668_717858461719076_727083224_n 17760574_717858565052399_1469465993_n 17742471_717858278385761_851193188_n 17821018_717859085052347_639854007_n