Maanta oo ah 12 November, 2017 Waxaa Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta XFS soo booqday Uqeybsanaha Arrimaha Diinta Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya Mudane: Axmed Oglo.

Shirka waxaa goob joog ka ahaa, Wasiirka Wasaaradda Mudane: Xildhibaan Dr. Iimaan Cabdullaahi Cali, Xoghayaha Joogtada Wasaaradda iyo Agaasimaha Guud Wasaaradda.

Mudane Oglo iyo Wasaaradda waxey ka wada hadleen, sidii loo xoojin lahaa xiriirka Xafiiska Diinta Safaaradda Turkiga iyo Wasaaradda, iyo sidii Xafiiskan u taageeri lahaa howlaha iyo barnaamijyada Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.

Kulankan waxuu kusoo dhamaaday si wanaagsan.

Daawo Sawirro

Mahadsanidiin,20171112_113721 20171112_113730 20171112_113732 20171112_113735 20171112_113745 20171112_113751 20171112_113804