Maanta oo taariikhdu tahay 15/11/2017, Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta waxey iskugu yeertay Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee Gobolka Banaadir oo ka kooban Imaamyada, Khadiibyada Masaajidda iyo Culimada Caasimadda.

Shirkan waxaa kasoo qayb galay:

1) Wasiirka Wasaaradda Xildhibaan Dr. Iimaan Cabdullaahi Cali.

2) Waxaa kaloo kasoo qayb galay shirka Xoghayaha Joogtada iyo Agaasimaha Guud Wasaaradda.

Ajandaha shirka looga hadlay waxey ahayeen:

1) Iswareysi Wasaaradda iyo Culimada

2) Fisqiga iyo Munkaraatka kusoo badanayo Waddanka.

Wasiirka iyo Culimada oo goobta ka hadlay, kadib waxaa shirka kasoo baxay qodoada hoos ku xusan:

1) in Muqdisho iyo Gobollada dalkaba kusoo badaneyso isticmaalka daroogada.

2) in ay jiraan dad ka ganacsado dawooyin iyo alaabo qofka ogaalkiisa badalayo, kadibna waxyeello loogeysanayo sida Galmood oo kale.

3) waxaa loosoo jeediyay Culimada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay bulshada ka waaniyaan xumaanta, akhlaaq xumida, fisqiga iyo munkaraatkaba.

4) Waxaa Culimada soomaaliyeed iyo khadiibyada masaajidda laga codsaday in ay bulshada ka waaniyaan xumaanta sii faafeyso.

5) Waxaa loosoo jeediyay wasaarada diimeed ka Dowlad Goboleed yada, Guddoomiyahaa dagmooyinka iyo Hay’adaha Amniga dalka ee Boolska iyo Nabad Sugidaba in la iska wada kaashado sidii looga hortagi lahaa xumaanta ka dhacdo goobaha, Hoteellada, Xeebaha iyo Guryaha.

6) Ugu danbeyn waxaa lasoo jeediyay in Umadda Soomaaliyeed meel walba oy joogaan Alle u toobad keenaan, qof walbana uduceeyo dadkiisa iyo dalkiisa in Alle dhibka naga kor qaado.

Daawo sawiro :-

Mahadsanidiin:-

 

20171115_105550 20171115_105542 20171115_103451 20171115_103421 20171115_103424 20171115_103443 20171115_103258 20171115_103317 20171115_103415