Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS, waxuu booqasho ku tagay Isbitaalka Daaif eek u yaallo Boqortooyada Sacduuiga Carabiya, inta uu joogay dalka Sacuudiga oo uu casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa, Wasiirka Xajka iyo Cumrada Dr Maxamed Slah Bintin.
Wasiirka waxuu isbitaalkan kusoo booqday dhaawacyo Soomaali ah oo kusoo dhaawacmay qaraxyo horay uga dhacay dalka soomaaliya, xaaladooda ayuuna wareystay, wixii ay ka cabanayeenna waxuu kala hadlay maamulka isbitaalka qaabilsan daryeelkooda, kuwaasoo ballan qaaday in ay usii dadaali doonaan dhaawacyada soomaalida.
Sawirrada hoose waxey muujinayaan booqashada wasiirka ee Isbitaalka Daaif
Leave A Comment